Waxaad siyaabahaan soo socda ku heli kartaa macluumaad qoran iyo mid
af ah oo ku saabsan kaarka loo yaqaan Companion Card kuna qoran afka
Soomaaliga;
La soo bax dukumintiyadaan:
- Waxaad kula soo bixi kartaa mid ah buugga qofka sita kaarka loo
yaqaan Companion Card Cardholder
Handbook oo ah af Soomaali (PDF, 484KB, 20 bog), kaas oo bixinaya
macluumaad ku saabsan barnaamijka loo yaqaan Companion Card Program,
waxaana ku jira macluumaadkaas shuruudaha laga rabo qofka isticmaalaya
kaarka qofka la socda qofka iinta leh (Companion Card). Dukumintigaasi
wuxuu sharxayaa macluumaadka looga baahan yahay in lagu buuxiyo Foomka
Dalabka Qofka kaarka sita. Buuggaan waxaa lagu kaydiyey habka loo
yaqaan Adobe Portable Document Format (PDF). Si aad u hesho dukumintigaan
waxaad u baahan doontaa midka akhriyi kara habkaan oo loo yaqaan Adobe Reader. Badanaa kani wuxuu ku duuban yahay kumbuyuutarkaaga, haddii
kale waxaad kala soo bixi kartaa websaytka loo yaqaan Adobe web site
(http://www.adobe.com/products/acrobat/readstep2.html).
Haddii aad wax dhibaato ah ku qabto la soo bixida lifaaqyada, fadlan
email u soo dir: Companion Card webmaster@dpcd.vic.gov.au
ama arag hoos si aad u raadiso xal kale oo ku saabsan hellitaanka
dukumintiyada.
- Waxaad awoodaa inaad kala soo baxdo Foomka Dalabka Qofka Sita Kaarka
loo yaqaan Companion Card (Companion Card Cardholder Application Form)
(PDF, 213KB, 16 bog). Haddii aad doonayso inaad dalbato kaarka Companion
Card, waxaa waajiba inaad daabacato isla markaana buuxiso Foomka Dalabka
(Application Form). Foomkani wuxuu ku qoran yahay Ingiriis waana in
lagu buuxiyaa Ingiriis. Buuggaan waxaa lagu kaydiyey habka loo yaqaan
Adobe PDF format.
Macluumaadka duuban:
- Waxaad dhegaysan kartaa macluumaadka duuban oo ku saaban Companion Card kuna duuban afka Soomaaliga adigoo soo wacaya> 1300 305 615.
La xiriir Khadka Macluumaadka Companion Card:
- Haddii macluumaadka aad u baahan tahay aan lagu soo qorin buugga
ama aanu ku jirin macluumaadka duuban, waxaa laga yaabaa in shaqaalaha
Khadka Macluumaadka Companion Card ay kaa caawimi karaan waxweydiintaada.
Wac khadka macluumaadka duuban raacna awaamiirta si aad toos ugu xirato
afka Soomaaliga - Turjubaan hadlaya ayaa ku caawimi doona si aad ula
hadasho Khadka Macluumaadka ee Companion.
- Haddii qofka soo wacayaa Ingiriis ku hadlo, sida ugu fiican uguna
sahlani waa la xiriirida Khadka Macluumaadka ee Companion Card nambarkiisa
tooska ahina waa 1800 650 611.
Hel dukuminti boosta laguu soo dhigo:
- Khadka Macluumaadka ee Companion Card wuxuu qabanqaabin karaa Buugga
Qofka Sita Kaarka iyo Foomka Dalabka in boosta laguu soo dhigo haddii
aadan doonayn inaad kala soo baxdo websaytka barnaamijkaan.